Madaxweynaha Somaliland ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu isku-bedel ku sameeyay qaar ka mid ah badhasaabada gobolada Somaliland, halka uu kuwo kalana xilka ka qaaday.

Waxa xilka laga qaaday Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim, guddoomiyihii gobolka Hawd iyo Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse, guddoomiyihii gobolka Awdal. Waxa lagu bedelay Maxamed Axmed Caalin Yuusuf oo noqonaya gudoomiyaha gobolka Awdal, iyo Axmed Cige Maxamed Geeddi oo loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Hawd.

Dhanka kale waxa magacaabida badhasabada kale ay u dhignaayeen sidam; Axmed Cismaan Xasan Cilmi guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Maxamed Xaashi Ducaale guddoomiyaha gobolka Saaxil, Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye guddoomiyaha gobolka Gabiley, Maxamed Cismaan Xaaji Axmed guddoomiyaha gobolka Saraar.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga