Dawladda Soomaaliya ayaa dalka Itoobiya ku taageertay dhismaha biyo-xidheen wayn oo ay ka binaynayso meel ud haw xadka ay la wadaaagto Sudan, kaas oo qabanaya biyaha webiga Niil ee iskaga gudba wadamada Itoobiya, Sudan iyo Masar.

Safiirka dawladda Soomaaliya u fadhiya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa sheegay in Soomaaliya ay taageersantahay Itoobiya. Danjire Cameya ayaa xusay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay khayraadkeeda ka faa’iidaysato, isla markaana uu biyo-xidheenku gobolka oo dhan faa’iido u yeekan doono.

Masar ayay Itoobiya ku muransanyihiin dhismaha biyo-xidheenka webiga Niil, taas oo xukuumadda Qaahira ay ka walaacsantahay in xadiga biyuhu ay is dhimaan hadii Itoobiya ay dhammaystirto dhismaha biyo-xidheenka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga