Angela Merkel, raysalwasaaraha Jarmalka, waxay banaynaysaa xafiiska ugu sarreeya ee looga arimiyo dalka ugu dhaqaalaha buuran Yurub ee Jarmalka.

Axadda maanta ayaa Jarmalka looga dareeray doorashada madaxtinimada, taas oo go’aamin doonta cidda dalkan hogaamin doonta wixii ka danbheeya Angela Merkel.

Waa doorashao lagu tilmaamay tii ugu adkayd ee in muddo sanado ah ka qabsoonta dalka Jarmalka,maadaama aanay tartamahayn Angela Merkel oo0 taageero badan ku haysatay gudaha shacabka Jarmalka.

Murashaxa xisbiga talada haya ayaa la saadaalinayaa in aanu ku guulaysan doorashadan, sida ay tilmaamayaan xog ururinihii ugu danbeeyay ee la sameeyay.

In ka badan 60million oo ka mid ah shacabka Jarmalka, kana wayn da’da 18 ayaa la filayaa in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada madaxtinimada iyo baarlamanka ee Jarmalka.

Xog ururino hro dhac ah waxay tilmaamayaan in saddex meelood halmeel in ka badan dadka codkooda dhiibanayaa aanay weli garanahayn ama go’aansan cidda ay codkooda siinayaan.

Is bedelka cimilada ayaa la sheegayaa in ay tahay arintaugu wayn ee imika hadhaysay doorashooyinka Jarmalka,xili dalku uu ka mid yahay wadamada warshadaha ugu badan leh dunida.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga