Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay sare-u-kac ku yimi maciishada la quuto ee dadku ay isticmaalaan, sida raashinka iyo maciishadaha cabitaanka loo isticmaalo.

Suuqyada Hargeysa ayay ku dhawdahay in badeecadaha qaarkood ay labinlaab gaadhaan lacagta la siin jiray, iyadoo dawladduna aanay weli wax war ah kasoo saarin, baadhinna waxa sababay sicir bararkan baaxadda leh.

Maciishada korodhay waxa ku jira, daqiiqda,sonkorta, saliidda, bariiska iyo badeecadaha kale ee la mid ka ah. Tusaale ahaan, kiishka daqiiqda ah oo la siin jiray $22 waxa uu imika marayaa $26, halka jirikaanka saliida ah oo ahaa $25 uu imika yahay $29. Maciishadaha kale ayaa iyaguna la mid ah.

Xukuummadda Somaliland ayaan weli ka hadal, iyadoo sababta cid baadhay aanay jirin illaa hadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga