Ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya ayaa deegaano badan kala wareegay kooxda alShabab. Deegaanadan ayaa hoos taga gobolka Shabeelada Hoose oo kooxda alShabab ay ku xooganyihiin.

Deegaanadan ayaa kala ah Moradiinle, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye, Buula Bashiir iyo Buula Miskiin.

Cutubyo ka tirsan xoogaga Danab ayaa kooxda alShabab ka saaray deegaanadan, sida ay xaqijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in tiro ka badan 15 dagaalame oo alShabab ah lagu dilay dagaalka, balse ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka kooxda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga