Xukuumadda kumeel gaadhka ah ee dalka Sudan ayaa shaacisay in ay hogaamiyihii hore ee Sudan u dhiibi doonto maxkamadda danbiyada dunida ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano ICC.

Cumar alBashiir ayay muddo sanado ah daydayaysay maxkamadda ICC si loogu qaado dacwado isaga ka dhan ah oo la xidhiidha danbiyo dagaal oo uu ka gaystay gudaha dalkiisa intii uu xukunka hayay, gaar ahaan gobolka Daafuur iyo deegaano kale oo la sheegay in uu dad ku layay.

AlBashiir oo 30-sanno u talinayay Sudan ayaa marar badan beeniyay eedaymaha loo haysto, waxaana ay maxkamaddu waaran qabasho ah u dhigtay wadamo badan oo ku jira ICC.

Lama oga xiliga uu wajahi doono dacwadaha loo haysto, xili imika uu taageero yar ku haysto gudaha dalkiisa iyo guud ahaan caalamka, gaar ahaanna dunida carabta oo mar ay jireen madaxeynayaal ay isku lu haytsaan oo ay isku xidhnaayeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga