Madaxweynihii hore ee dalka Kenya ayaa loo qaaday tuuladiisa Kabarak, oo ku taala gobolka Rift Valley si halkaas maanta loo gu aaso.

Daniel arap Moi ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku geeriyooday cisbitaal ku yaala gudaha magaalada caasimadda ah ee Nairobi, iyadoo dadka Kenyan ka ahi ay ku tilmaameen geesi qaran.

Kumanaan ka mid ah shacabka waddanka Kenya ayaa ka qayb galay aas ballaadhan oo loo samaynayo Mr. Moi oo ku geeriyooday da’da 95-sanno. Wuxuuna dhintay labaatan sanno ka dib markii uu xilka ka degay.

Wuxuu ahaa madaxweynaha ugu mudada dheer ee ay yeelato Kenya, iyadoo lagu tilmaamo aabaha midaynta, halka dadka qaarna ay ku sheegaan in musuq badani uu dhacay intii ay dawladdiisu jirtay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga