Muslimiinta dunida ayaa bilaabay oole xoogan oo ay cunaqabatayn ku saarayaan alaabada iyo dhammaan badeecadaha laga keeno Faransiiska ama lagu farsameeyo, kadib madaxweynaha faransiiska oo Islaamka aflagaadeeyay.

Waa jawaab welwel badan ku abuurtay madaxweyne Macron iyo xukuumaddiisa, oo dhaqaale ahaan xanuunka Covid-19 uu hore u wiiqay.

Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Faransiiska ayaa wadamada Bariga Dhexe usoo jeedisay in ay joojiyaan baaqyada ah in cunaqabatayn la saaro alaabta ka timaada Faransiiska.

Qaar ka mid ah dukaamada waawayn ee ku yaala wadamo ka mid ah Bariga Dhexe ayaa laga guray dhamaan alaabta lagu farsameeyo Faransiiska, iyagoo gabi ahaanba joojiyay.

Mudaharaado ayaa sidoo kale ka bilaabmay qaar ka mdi ahwadamada dunida Muslimka oo ay ku jriaan wadamada Libya, Falastiin, iyo Suuriya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga