Hoggaanka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa isku dhiibay ciidamada dawladda Soomaaliya kadib dagaal dhex maray Ahlu-sunna iyo ciidanka dawladda, kaasoo galaaftay nafaha dad tobaneeyo qof ku dhow, dagaalkaas ayaa ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Muuqaal lasoo geliyay baraha Internet-ka, ayaa lagu arkayay Sheekh Shaakir oo caddaynaya inay isku dhibeen ciidanka dawladda, hubkoodii iyo gaadiidkoodiina ay ku wareejiyeen ciidanka.

Waxa uu sheegay inay ciidanka dawladdu laga bilaabo imika masuul ka yihiin amniga culimada Ahlu-sunna, iyaguna ay u tanaasuleen shacabkooda.

Xaaladda guud ee magaalada Dhuusamareeb ayaa xasilloon hadda, balse lama oga in madaxda Ahlu-sunna la gayn doono magaalada Muqdisho, inkasta oo warar hoose oo uu Saab TV helay sheegayaan inay socdaan dedaallo lagu kulan siinayo madaxwaynaha Galmudug Qoorqoor iyo madaxda Ahlu-sunna ee isa soo dhiibay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga