Kadib laba sannadood oo wada hadal ahaa, Maraykanka iyo Daalibaanta ka dagaallanta dalka Afgaanistaan, ayaa waxay maanta magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ku wada saxeexanayaan heshiis nabadeed, kaasoo lagu wado inuu soo af-jaro dagaalkii dheeraa ee u dhexeeyay muddada badan.

Xafladda heshiiska nabadeed ee Maraykanka iyo Iiraan ayaa ka dhacaysa dalka Qadar oo lagu wado inay dejiso habka ka bixidda ciidamada Maraykanka ee dalkaasi Afgaanistaan si baa layidhi loo go’aamiyo mustaqbalka dambe dalkaasi Afgaanistaan.

Diblomaasiyiin ka kala socda dalalkaAfghanistan, Maraykanka, Hindiya, Pakistan iyo dalal kale oo ka tirsan qaramda midoobay ayaa wadahadalo bilaabay,  wada- hadalladaas oo ay ku wehliyaan wakiilllo ka socda Daalibaan kuwaas oo ku shiraya Hotel-ka layidhaa Sheraton ee magaalada Dooxa.

Waxay ahayd maalintii Jimcihii,  markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku booriyay wada-hadalka dadka reer Afgaanistaan, isagoo usoo jeediyay inay ka faa’idaystaan fursadda nabadda iyo mustaqal cusub oo dalkoodu yeelan doono sida uu Trump sheegay. 

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa goobjoog ka noqon doona sexeexidda heshiiska nabadda ee Maraykanka iyo Daalibaan ee magaalada Dooxa, halka Xoghayaha Difaaca Mark Esper la filayo inay bayaan wadajir ah so wada saaraan xukuumadda Afghanistan ee fadhigeedu yahay magaalada Kabul.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga