Wasiirka maaliyadda ee dawladda federaalka Itoobiya ayaa saaka gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Safarka wasiir Axmed Shide ayaa yimi kadib markii maalinii shalay ahayd uu madaxweynaha Somaliland diiday safar ay magaalada Hargeysa ku iman lahaayeen raysalwasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Lama oga qorshaha safarka wasiirka oo ah wafti culus marka la eego meeqaamkiisa, balse waxa loo dheg taagayaa waxa kasoo baxa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga