Gudida doorashada dalka Soomaaliya ee heer federaal, FEIT, ayaa wefti ka kooban xubnaha gudida u diray magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sababta loogu diray ayaa ah si xal looga gaadho tabashada uu qabo maamulka Koonfur Galbeed oo weli xildhibaanadiisa aanay qaadan shahaadada.

Sidoo kale, waxa magaalada Baydhabo ku sugan madaxweynaha Galmudug iyo wefti xildhibaano ah oo raba in ay madaxweyne Laftagareen ku qanciyaan hawlaha gudida.

Koonfur Galbeed waxay wada shaqaynta  kala laabatay xafiiska raysalwasaaraha oo ah kan ugu sarreeya maamulka doorashada, iyadoo ku eedaysay in uu duullaan ku yahay maamulkooda.

Arinta xiisadda kicisay ayaa ah 3 kursi oo Koonfur Galbeed lagasoo doortay oo dib loogu celinayo doorashadooda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga