Warbaahinta Soomaaliya ayaa daabacday in warar dheeraad ah laga helayo khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay magaala-xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lala beegsaday mas’uul ka tirsan maamulka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa mid si gaar ah uga dhacay xaafadda Farjano, gaar ahaan laanta Siinaay, iyada oo lagu weeraray hoy uu halkaas ka dagan yahay madaxa howlaha Dekedda Kismaayo.

2 qof oo midi ay tahay Haweeney xaamilo aheyd iyo wiil ay dhashay, ayaa la sheegay inay ku geeryoodeen halka uu dhaawacna jiro sida wararku sheegayaan.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga