Duulimaadyada dunida ayaa mar kale la joojiyay in badan oo ka mid ah, iyadoo laga cabsi qabo fiditaanka fayraska Omicron oo imika xawaare sare ku gudbaya.

Ku dhawaad 1,000 duulimaad ayaa hakad la galiyay dunida saacadhii lasoo dhaafay, kadib markii la ogaaday heerka fiditaanka oo kordhay kadib safaro badan oo dadku ay bilaabeen.

Nooca fayraska Covid-19 ee Omicron wuxuu gaadhay halkii ugu saraysay dunida iyadoo wadamada qaar uu saamayn kale oo ba’an ku yeelanayo.

Tusaale ahaan dalka Maraykanka, maalintii Siniinta oo kaliya waxa la diwaan galiyay ku dhawaad nus malyuun kiis oo cusub, waa tiro lagu sheegay 440,000 oo kiis.

179,000 oo kiis in ka badan ayaa dalka Faransiiskana laga diwaan galiyay maalintii Salaasada ee shalay, waana tiradii ugu abdnayd abid ee is maalinle ah u qaada fayraska Covid-19 gudaha dalkaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga