Qaramada Midoobay waxay sii wadaa digniinaha ay kasoo saarayso xaaladaha dadka Soomaalida ee abaarahu ay ku haleeleen gudaha wadanka, iyadoo malaayiin qof ay wajahayaan cunto yaraan.

Hay’adda UNICEF ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in 4.6 million oo Soomaali ahi ay imika wajahayaan gaajo hadii aanay helin gargaar ama taageero kale oo ka caawisa hubanti la’aanta ay wajahayaan dadkaasi.

Waa xili abaaraha ka jira Soomaaliya ay melo badan sii xumaanayaan, garagarkuna aanu gaadhin deegaanada qaar.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF waxay ahmiyadda koobaad ka dhigtay biyaha oo ay sheegtay in dad badani aanay haysan biyo ay cabaan.

Dhimashada dadka ayaa deegaanada qaar ka bilaabantay kadib gaajo iyo oon isu raacay, waxaana jira dedaalo gurmad oo ay wadaan kooxo si iskood ah isku abaabulay iyo akoono ay dawladdu samaysay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga