Maraykanku wuxuu sheegay in uu gacanta ku dhigay hub tiro badan oo dawlada Iran ay u waday maleeshioyaadka Xuutiyiinta eeay taageerto.

Markab siday hubkan oo summad la’aan safrayay ayay qabteen ciidamada badda ee Maraykanka ee ku sugan Gacanka Cadan sida lagu sheegay war kasoo baxay dawladda Maraykanka.

Markabka oo ahaa jnooca kallumaysiga ayaa lagasoo buuxiyay hub iyo rasaas. Waxa saarnaa in ka badan 200,000 oo rasaas ah iyo 1,400 oo ah qoryaha dalandooriga u dhaca.

Iran waxay beenisay in ay wax hub ah siiso Xuutiyiinta.

Yemen weli waxa ku dagaalamaya quwado kale poo midba uu diidanyahay in dawlad aanu rabin ay ka dhisanto Yemen oo ah dal dhaca meel muhiim u ah isu socodka ganacsiga dunida iyo danaha milatari.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga