Itoobiya waxay ku dhawaaqday in ay hajisay dullaanka ka dhanka ahaa ciidamada TPLF ee hore ugu fiday qaybo ka mid ah Itoobiya gaar ahaan dhulka Amxaarada iyo canfarta ee dalkaas.

War kasoo baxay xafiiska raysalwasaare Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay gaadheen yoolkii ay markii hore u qaadeen weerarada ka dhanka ahaa ciidamada Tigrayga, kaas oo ahaa in la xoreeyo deegaanada Canfarta iyo Amxaarada.

 

Xafiiska Abiy Axmed wuxuu ku waramay in ay ciidamadu amar ku qabaan in ay ilaaliyaan deegaanada ay imika la wareegeen, balse wixii hawl galo kale ah ay la wadaagi doonaan dadka, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dhanka TPLF ma jiro war illaa imika kasoo baxay oo ay kaga jawaabayaan ciidamadooda laga saaray deegaanada kale illaa shalay iyo hakinta dawladda ee hawl galada dagaalka.

Labada dhinacba waxay u muuqdaan kuwo diyaar u ah xal nabadeed kadib muddo sanad ah oo dagaalo aan waxba la iskula hadhin lagu jiray.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga