Dhalinyaro Soomaali ah oo rabtay in ay galaan qaaradda Yurub ayaa lagasoo celiyay xeebaha waddanka Giriiga, halkaas oo ciidamada Giriigu ay dib ugu celiyeen waddanka Turkiga.

Dooni ayay la socdeen dhalinyaradani iyagoo kasoo shiraacday dhanka Turkiga, lamana oga xaaladooda imika iyo waxa ay ka yeelayaan maamulka Turkigu.

Waxa jira dad badan oo Soomaali ah oo ku sugan dalka Tukriga kuwaas oo raba in ay ugasii gudbaan wadamada Yurub. Xili qaar kale ay ku go’doonsanyihiin gudaha Yurub, sida xadka Poland oo lagu hor istaagay dhalinyaro Soomaali ah oo u tallaabaysay galbeedka Yurub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga