Doorashada Aqalka Hoose ee maamulka Hirshabeele ayaa la filayaa in dhawaan ay ka qabsoonto magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeele.

Diyaar garoow xoogan ayaa laga dareemayaa magaalada Jowhar halkaas oo murashaxiintu ayw adaan xod xodasho iyo sidii kuraasta loo kala hanan lahaa.

Todobaadka soos ocda ayaa la filayaa in la doorto saddex kursi oo ka mid ah kuraasta Hirshabeele ee Golaha Shacabka, halka kuraasta kalana lagusii xigsiin doono.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqaysa in hore loo gudo galo doorashada qaybta dhiman ka hor dhammaadka sanadkan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga