Dedaalada nabadda ayaa meel wanaagsan maraya gudaha Itoobiya xili wefti heer sare ahi ay gaadheen magaalada Maqalle ee caasimadda Tigray.

Wefti uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Nigeria, ahna ergeyga gaarka ah ee Midawga Afrika ayaa ka degay Maqalle. Waxa qayb ka ah safarka saraakiil kale oo Midawga Afrika ka tirsan.

Weftigu waxay Maqalle kula kulmeen hogaamiyaha Tigrayga Debretsion Gebremichael, kaas oo imika fadhigiisu yahay caasiamdda Maqalle kadib bilo uu duuka ku jiray.

Afhayeenka TPLF, wuxuu sheegay in wada hadalka labada dhinac uu ahaa mid midho dhal, isla markaana la isla qaatay arimo badan.

Dhanka kale, dawladda Itoobiya ayaa wada olole lagu atageerayo ciidamada Itoobiya ee dagaalka kula jira Tigrayga, iyadoo hore ciidamada Itoobiya loo sheegay in in badan oo ka mid ahi ay mooraal xumo u joojiyeen dagaalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga