Dalka Shiinaha ayaa gargaar noocyo kala duwan iskugu jira soo gaadhsiiyay dalka Soomaaliya, iyadoo shixnadaha lagasoo dejiyay garoonka Aden Cadde e Muqdisho.

Shixnadaha gargaarka waxa ku jira 10,000 oo ah teendhooyin, 50,000 oo ah maro-kanneeco, 20,000 oo ah xidhmooyinka gargaarka degdega ah, sida uu sheegay safiirka Shiinaha ee dalka Soomaaliya.

Xidhiidhka Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa sii xoogaysanayay muddooyinkii dhawaa, iyadoo labada waddan ay iskusoo dhawaanayaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga