Wasiirka Arimaha Dibadda ee Israel wuxuu ka degay magaalada Manama ee caasimadda dalka yar ee Baxrayn, halkaas oo ay uga bilaabantay booqasho rasmi ahi.

Yair Lapid wuxuu Manama ka furayaa safaaraddii ugu horaysay ee dal;kan Carbeed ay Israel ku yeelato, isagoo sidoo kale saxeexi doona heshiisyo kala duwan oo ay la gali doonaan dawladda Baxrayn.

Booqashada Wasiirka Arimaha Dibada ee Israel ayaa daba socotay marti qad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalka Baxrayn iyo sidoo kale heshiiskii ay labada dhinac wada saxeexeen sanadkii tegay ee lagu unkay wax lagu sheegay xidhiidh diblomaasiyadeed oo dhex mara Baxrayn iyo Israel.

Diyaaradda Gulf Air ee dawladda Baxrayn ayaa iyaduna duulimaadyo toos ah ka bilawday magaalooyinka Tel Aviv iyo Manama.

Falastiin ayaa si xoogan u cambaaraysay ugana soo hor jeedsatay heshiisyada iyo booqashada wasiirkan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga