Dhimashada ayaa kor u dhaaftay 116 qof kadib markii ay gacanta iskula tageen kooxo gangs ama budhcad ah oo iskasoo hor jeeday xabsigana ku wada xidhnaa, dalka Ecuador ee Koonfurta Ameerika.

Waa mashaqadii ugu xumayd abid taariikhda Ecuador ee ka dhacda gudaha xabsi si wayn loo ilaaliyo.

5 ka mid ah kuwa ladilay ayaa qoorta laga jaray halka inta kalana ay rasaas iyo dagaal gacanta ah ku dhinteen.

In ka badan 80 maxbuus oo kale ayaa ku dhaawacmay rabshadaha oo ahaa kuwo baaxad leh.

Booliska gobolka ayaa ku dhawaad 500 oo askari ku xoojiyay sidii xaaladda loogusoo celin lahaa mid degen. Iyadoo ay qolalka xabsiga kasoo daabulayeen maydadka la dilay.

Saxaafadda gudaha ee Ecuador waxay ku warantay in dagaalkan uu ku baaqay mid ka mid ah hogaamiyayaasha budhcadda Mexico oo imika si dhuumasho ah u jooga dalka Ecuador.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga