Ciidamo ka kala tirsan Ahlu Sunna iyo maamulka Galmudug ayaa ku dagaalamay deegaano hoos taga gobolka Galgaduud ee badhtamaha Soomaaliya.
Deegaanka Bohol ayaa lagasoo sheegayaa is-rasaasayn dhex martay labada dhinac, iyadoo ay imika isku hub urursanayaan.
Isku-dhacyadan ayaa imanaya wakhti yar kadib markii hogaamiyaha Ahlu Sunna, Sheekh Shaakir, uu dib ugu laabtay deegaanka kadib muddo dheer oo uu halkaas ka maqnaa.