Itoobiya waxay Beesha Caalamka uga digtay in ay cuno qabatayn saaraan dalka, iyadoo mawqifkeeda dagaalka Tigray caddaysay.

Rayslawasaare ku xigeenka Itoobiya ayaa ka hadlay Kulanka Guud ee Qaramada Midoobay isagoo faahfaahin ka bixiyay cooladda ka socota waqooyiga dalkiisa.

Demeke Mekonnen wuxuu ugu baaqay wadamada dunida in aanay ku dhex milmin arimaha dagaalka ka socda gobolka Tigrayga, balse ay u daayaan dhex dhexaaddinta Midawga Afrika.

Wuxuu ku daray hadalkiisa in tallaabooyinka ciqaabta ahi ay sii xumanayaan xaalka gudaha, isagoo ka digay.

Waa 10 maalmood kadib markii dawladda Maraykanku ay ku hanjabtay cuno qabatayn ay saarayso madaxda iyo dawladda Itoobiya, iyadoo hore u goysay kaalmadii ay siin jirtay dawladda Itoobiya oo sanad walba boqolaal milyan oo dollar ay siiso.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga