Xalay waxa magaalada Muqdisho isku arkay madaxweynaha maamulka Galmudug iyo la taliyaha amniga ee Farmaajo, kuwaas oo ka wada hadlay arimo dhawr ah kana mid ahaayeen khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha mudadiisu dhamaatay iyo raysalwasaaraha.

Kulanka ayaa ka dhacay hoyga Qoorqoor oo ku dhaw garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana amniga Fahad Yaasiin sugayay ciidamo ka tirsan nabad sugidda Soomaaliya.

Qoorqoor ayaa la sheegaa in uuaad ugu dhawyahay Villa Soomaaliya, iyadoo weli aan xal loo helay khilaafka u dhexeeya Rooble iyo Farmaajo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga