Midawga Murashaxiinta ee dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay warqad kasoo baxday madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo oo sheegay in uu hakiyay awoodaha raysalwasaare Rooble.

War-murtiyeed ay soo saareen ayay ku baaqeen in Farmaajo loo aqoonsado qas-wade.

Saddex qodob oo ay ku sheegeen warkooda ayaa kala ahaa

1- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhammaaday uu si bareer ah ugu tuntay Dastuurka dalka, kana beensheegay qodobbadiisa.taasoo ka marqaati kacaysa in uusan ka soo bixin mas’uuliyaddiisa ilaalinta Dastuurka unna muuqdo shakhsi aan degenaansho siyaasadeed lahayn oo aan lagu aamini karin xilka ugu sarreeya ee
dalka.

2- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu xagal daacinayo caddaalad u helidda kiska Ikraan Tahliil, gabbaadna siinayo eedaysanayaasha ku lug leh kiska, isla markaana carqaladeynayo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka, gaar ahaan kuwa xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland iyo beelaha Banaadiriga oo labaduba ka dhacaya magaalada Muqdisho.

3-In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu si joogta ah u jebiyo heshiiskii la gaaray 27ka Maajo, wiiqana awoodda Raysal- wasaaraha, isla markaana awood gaar ah siiyo shabakado qarsoon oo barbar socda hawlaha Raysal-wasaaraha, kuwaasoo loo qorsheeyey in ay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday u boobaan doorashooyinka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga