Nin asal ahaan Soomaali ah kuna noolaa Malta, dalka Talyaaniga, ayaa la xukumay kadib markii bishii August la qabtay isagoo Talyaaniga kala baxayay adduun lacageed oo lagu sheegay €160,000 una dhiganta $188,503.

Talyaaniga waxa loo ogolaa oo kaliya in uu la dhoofi karo qofku €10,000 oo kaliya hadii kale wuxuu maraya baadhitaano dheeraad ah.

Ali Muuse Igaale oo lagu sheegay 40 jir ayaa ku guul daraystay in uu keeno meesha uu ka helay lacagtan xili uu haystay rayslae ku yaala Malta.

Maxkamad deegaanka ah ayaa ku xukuntay in uu lacagta si tuugo ah ku helay ama sharci daro ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga