Japan waxay hakisay tallaalka Moderna ee lagu farsameeyay gudaha dalka Maraykanka, kadibshaybaadho kala duwan oo ay marisay tallaalkaas.

Moderna oo ah tallaal loogu talo galay  in lagag hor tago fayraska dilaaga ah ee Covid-19 ayaa laga helay walxo madaw, sida ay sheegeen khubarada dalka Japan.

Walxo tiro badan oo madaw ayaa lagu dhex arkay bushqad ka mid ah tallaalka ay farsamaysay shirkadda Moderna, sida ay sheegeen masuuliyiinta caafimaadka Japan.

Ku dhawaad 4000 oo qof ayaa nooca tallaalkan qaatay gudaha dalka Japan, balse inta hadhay ayaa laga joojiyay dadka in ay qaataan, illaa inta adqabka laga hubinayo.

Shirkadaha dawooyinka ka shaqeeya ee tallaalka geeyay Japan ayaa illaa imika isku khilaafsan sababta dhabta ah ee keentay walxaha lagu dhex arkay tallalka Moderna. Qaarkood ayaa qaba in walxahani ay kasoo raaceen xarun ku taala Spain, halkaas oo qay ahaan tallaalka lagu habeeyay xidhmooyinkiisa, balse weli ma aha caddayn lagu qancay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga