Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa xalay lagu dilay laba askari oo ka tirsan milatariga Soomaaliya, iyadoo maydkooda laga qaaday degmeda Kaaraan.

Rag ku hubaysan baaskoolado ayaa dilay labada askari oo lagu kala magacaabayay Sakariye Cali iyo Axmadeey Gadaf, caanna ka ahaa degmeda Kaaraan.

Muqdisho waxa kusoo badanaya dilalka ragga baaskooladaha ku huabysani ay gaystaan, iyadoo nabadoon caan ah dhawaan magaalada lagu dilay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga