Sucuudiga ayaa warbaahinta dalkiisa ku khasbaya in ay ka baxaan magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay ku leeyihiin xarumo waawayn oo ay ka hawlgalaan.

Maxamed bin Salmaan ayaa raba in dhammaan xarumaha waawayn ee warbaahinta Sucuudiga loo raro magaalada Riyaad ee caasimadda Sucuudiga, halkaas oo uu rabo in uu keeno shirkado waawayn oo shisheeye, sameeyana isbedel dhinaca dhaqaalaha iyo is dhexgalka ah.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa rabta in Riyaad ay la tartansiiso magaalada Dubai oo noqotay meel ay dunidu iskugu timaado gobolka Bariga Dhexe markay noqoto isu socodka guud ahaan dunida.

Shaqaalaha warbaahinta alCarabiya iyo alXadaas ayaa loo sheegay maalintii Isniinta in loo guurayo magaalada Riyaad, kadib sanado ay ka hawl galayeen Dubai-da camiran ee la iskugu yimi.

Bisha January ee sanadka cusub ayaa la rabaa in ay dhaqan galaan amarada Maxamed bin Salmaan, dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga