Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa macalin dugsi quraan oo xalay lagu sumeeyay Beledweyne, gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.
Cumar Macalin Muxumed ayaa la sheegay in xaas cusub oo dhawaan uu guursaday ay sunta beeraha ugu dartay cuntada, sidaana uu ku geeriyooday.
Ciidamada booliska ee Beledweyne ayaa wada baadhitaano dheeraad ah oo la xidhiidha kiiskan.