Kenya waxay go’aan rasmi ah kasoo saartay xiliga ay u muddaysay in ay albaabada u laabto xerada labaad ee ugu wayn dunida ee qaxootiga ee Dhadhaab.

Xukuumadda Nairobi waxay hay’adda qaxootiga dunida ee UNHCR u sheegtay in ay laba xeryood xidhi doonto marka la gaadho bisha June ee sanadka danbe.

Warka Kenya ayaa yimi kadib kulan dhex maray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa hay’adda UNHCR Fillippo Grandi.

Xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma ayaa hadda halbeeg u ah dawladda Kenya. Waxa xeryahan ku jira dad ku dhaw nus malyuun qof oo Soomaali ah, waxaana ay taageero ka helaan Qaramda Midoobay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga