Israeli rescue forces and Police near the scene after a stand collapsed wounding dozends during the celebrations of the Jewish holiday of Lag Baomer on Mt. Meron, in northern Israel on April 30, 2021. Photo by David Cohen/Flash90 *** Local Caption *** ל"ג בעומר לג בעומר אסון קריסה במה מתים אנשים חסידים חרדים חג הר מרון הר מירון

Ugu yaraan 45 qof ayaa la xaqiijiyay inay geeryoodeen, halka ay ku dhaawacmeen dad tiradoodu ka badan tahay 150 ruux, kadib is-buurasho ka dhacday xaflad-diimeed ay lahaayeen Yuhuudda mayalka adag ee Israa’iil.

Xaflad-diimeedda Lag B’Omer, waxaa isku yimaadda tobannaan kun oo qof, waxaana sannadkii hore loo joojiyay xanuunka Coronavirus dartii, balse sannadkani ayaa la ogolaaday in la qabto iyadoo ay kasoo qayb-galeen tiradii dad ee ugu badnaa.

Raysal-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo booqday goobta shilku ka dhacay, ayaa sheegay in la samayn doono baadhitaan adag oo ku saabsan waxa dhab ahaantii sababay, taasi oo aan illaa hadda caddayn.

Netanyahu ayaa dhacdada ku tilmaamay inay tahay mid aragagax leh, iyadoo dadka dhintay ay kamid ahaayeen carruur.

Raysal-wasaare Netanyahu ayaa sheegay inay dhacadani kamid tahay kuwii ugu xumaa ee soo mara taariikhda Israa’iil, isla markaana Israa’iil gelayso maalin baroor-diiq qaran ah.

Warar hordhaca ayaa sheegay in dhisme dumay, kaasina uu sabab u ahaa geerida dadka, balse warar hoose oo ay bixiyeen saraakiil booliska katirsan, ayaa warbaahinta u sheegay in isbuurashadu ka dhacday goobta jaranjarada, inkasta oo aan illaa haatan rasmi loo xaqiijin warkaas.

Gawaadhida gurmadka oo tiro badan ayaa goobta gaadhay, waxaanay la daad-guraynayay dhaawaca ah iyadoo cisbitaallada loola cararay, qaar kamid ah goobjoogeyaasha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga