Ciidamada booliska ayaa dalbanaya in ay helaan goobo cusub oo dadka ay ku aasaan, kadib xabaalaha oo buuxsamaya iyo dadka oo maydadkoodu ay usoo dhacayaan kumanaan.

Dalka Hindiya weli waxa sii socota xaaladda welwelka leh ee dalkaasi uu galay kadib fayraska Covid-19 oo kiisaskiisu ay si aan hore loo arag u kordhayaan.

Dawladaha hoose ayaa imika laga dalbanayaa in ay maydadka u asteeyaan xabaalo cusub.  Magaalada Delhi ee caasimadda ah ayaa ugu daran hadda, iyadoo la gubayo maydadka.

Ku dhawaad 400,000 oo qof ayaa fayraska qaaday maalinimadii shalay oo kaliya. Waa kiisaskii ugu badnaa abid ee si maalinle ah uu dal u diwaan galiyo tan iyo markii uu xanuunku kasoo bilaabmay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, dabayaaqada sanadkii 2019. 3,500 oo qof ayaa sidoo kale shalay oo qudha u dhintay Covid-19 guud ahaan dalka Hindiya. Tirada guud ee kiisaska Hindiya ayaa imika kor u dhaafay 18 million oo kiis.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga