Kadib weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay gobolka, Sudan waxay xaalad degdeg ah kusoo rogtay gobolka Darfur ee dalkaas.

Xukuumadda Khartuum ayaa xaaladan degdega ah soo rogtay kadib markii dadka deegaanka galbeedka Darfur ay is laayeen.

Dagaalo isir ku salaysan oo ka dhacay gobolka ayaa lagu dilay dad ka badan 40 qof.

Qaramada Midoobay ayaa ku warantay in maalintii Sabtida uu dagaalku bilaabmay, kana dhex qarxay kooxo carab ah iyo dadka aan carabta ahayn ee loo yaqaano Massalit. In ka badan 50 oqf oo kale ayaa ku dhaawacmay dagaalada labada dhinac.

Qabaa’ilka dagaalamay ayaa mar kale iskusoo hub urursanaya sida ay ku warantay warbaahinta gudaha Sudan, oo xog ka helaysa deegaanada lagu dagaalamay ee Darfur oo weli ay ka taagantahay xiisad culus oo colaadeed.

Kumanaan qof ayaa sidoo kale ku barakacay dagaalada hadda soo cusboonaaday.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga