Magaalada Muqdisho waxa maanta ka furmi lahaa shirkii u dhaxeeyay xukuumadda federaalka iyo maamul goboleedyada ee wada tashiga ahaa, kaas oo loo balansanaa maanta oo Salaasa ah in dib la iskugu soo laabto.

Shirka ayaa maanta baaqday iyadoo uu maqan yahay madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor, oo Dhuusamarreeb tagay maalin ka hor.

Waxa shirku uu dib u furmi doonaa maalinta Arbacada ee berri ah marka uu soo laabto madaxweynaha Galmudug, iyadoo madaxda maanta shirka tagtay ay ku heshiiyeen in maanta la iska nasto.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga