Wasaaradda arrimaha dibadda Dawladda Turkiga, ayaa cambeeraysay weerarkii lagu qaaday makhaayad dad badan ay isugu yimaadaan oo ku dhow Dekadda weyn ee Xamar.

Qoraalka kasoo baxay Turkida ayaa lagu yidhi:

“ Waxaan si xooggan u cambaareyneynaa weerarka argagixiso, waxaana uga tacsiyeyneynaa walaalaheena Soomaaliyeed iyo Dowladooda intaba, kuwii ku naf waayay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawac ahna Alle ha u boogo dhayo,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada Turkiga.

Dawladda Turkiga ayaa sheegtay inay sii wadayso taageerada ay la garab taagan tahay dawladda iyo shacabka Soomaaliya, ee ka dhanka ah la dagaallanka aragagixisada.

Turkidu waxay sheegeen in dadka geeryooday ay ka badan yihiin 20, halka dhaawacuna kor u dhaafay 30 ruux.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in 10-Qof ay geeriyootay halka sodomeeyo kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo qaar ka mid ah goobaha caafimaadka eek u yaalo Muqdisho.

WARARKII UGU DAMBEEYAY KALA SOCO SAAB TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga