Ciidamada Eriteriya waxay toogasho ku dileen boqolaal caruur iyo rayid ah xasuuq bishii November ka dhacay gobolka ay deriska yihiin Ethiopia ee dagaalka ka dhacay gobolka Tigray, Human Rights Watch (HRW) ayaa sidaas tidhi.

Warbixintan la soo saaray Jimcihii, ayaa ahayd falanqeyntii labaad ee ugu weyneyd ee ku saabsan xadgudubyada Eritrea ee magaalada Axum, oo ah goob kamid ah goobaha ay haayadda qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanku u tixgeliso inay tahay dhaxal adduun.

Baadhitaan ay samaysay haayadda Amnesty International, ayaa lagu faahfaahiyey sida ciidamada Eriteriya ay u laayeen boqollaal rayid ah, si nidaamsan, iyaga oo aan waxba iskaga tirinayn.

Waxaanay baadhitaannada haayadda HRW, inanayaan, xilli dunidu si wayn uga walaacsan tahay, xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka Tigrey, iyo gabood-fallada ciidamada Eriterian-ku ka gaysanayaan halkaasi. 

Hogaamiyaasha Qaramada Midoobay ayaa khamiistii ku eedeyay Eriteriyaanka dambiyo ka dhan ah aadanaha, waxaanay ku boorriyeen inay ka baxaan.

Addis Ababa iyo Asmara waxay beeniyeen Eritrea inay si firfircoon ugu lug leedahay arrimaha Tigray.

Raiisel wasaare Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay hawlgallo militari oo ka dhan ah hoggaanka Jabhadda Xoreynta Dadka ee Tigreega (TPLF), oo markaas ahayd xisbiga talada haya ee Tigray, horaantii bishii Nofeembar, isaga oo sheegay in ay ku yimaadeen jawaab u ah weeraradii TPLF ee xeryaha ciidamada federaalka.

Ciidamada Itoobiya iyo Eriteriya ayaa Axum galay 20-kii Nofeembar ka dib duqeyn “aan loo meel-dayin” oo ay ku dhinteen dad rayid ah, ayaa lagu yidhi warbixintan jimcihii la daabay ee ay soo saartay HRW, iyadoo ku eedaysay ciidamada Eriteria inay gaysteen dhac baahsan.

Itoobiya iyo Eriteria way beeniyeen wararkaasi, waxaanay ku tilmaameen waxba kama jiraan wararka kasoo yeedhay haayadaha xuquuqda aadanaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga