Wararka ka imanaya Dhuusamareeb ayaa sheegaya, in madaxwayneyaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland ay ka tageen halkaasi.

Tegistooda, ayaa imanaysa kadib markii ay halkaa kusii sugnaayeen fashilkii ku yimi in laysla af-garto doorashada Soomaaliya, isla markaana uu madaxwayne Farmaajo ku eedeeyay, inay iyagu caqabad ku noqodeen hirgelinta heshiis laysku raacsan yahay.

Maanta oo ay bishu tahay 8, ayay kaga egtahay madaxwayne Farmaajo, waxaana midowga murashaxiintu sheegeen, inaanay u aqoonsanayn madaxwayne inuu yahay Farmaajo.

Labada madaxwayne ee maamuulladan, ayaa lagu soo kala dhaweeyay Kismaayo iyo Garowe, waxaana la filayaa inay la hadlaan warbaahinta sida ay sheegayaan warar soo gaadhay Saab TV.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga