Warbaahinta Muqdisho ayaa qortay in dibad-baxyo lagaga soo horjeedo madaxwaynaha maamulka Jubaland Axmed-madoobe, ayaa ka dhaceen gobolka Gedo.

Dibad-baxyada ayaa la sheegay inay ka qayb-galeen qaybaha kala duwan ee bulshada gobolkaasi, kuwaasi oo carrabaabayay ereyo ka dhan ah madaxwayne Madoobe, sheegayayna inaanu haba-yaraatee dadka gobolkaasi waxba u qaban.

Shacabka, ayaa ugu baaqay dawladda federaalka Soomaaliya, inaanay haba-yaraatee wax heshiis ah kala gelin Axmed-madoobe, arrimaha gobolka Gedo, taasi oo xuddun u noqotay xasaradda doorashada Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay, kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga