Taageerada ayaa dhammaan laga jarayaa xulafada ay boqortooyada Sucuudigu hor kacayso ee dalka Yemen ka dagaalamaya.

Dalka Maraykanka ayaa maanta dhaqan galiyay wax ka bedel lagu sameeyay siyaasadda arimaha dibadda Maraykanka iyo taageeradii ay xulafada Sucuudigu ka heli jirtay dhanka dawladda Maraykanka.

Isagoo ka hadlayay siyaasadisii ugu waynayd ee uu wax-ka-bedel ku sameeyo tan iyo intii uu xafiiska qabtay ayuu madaxweyne Joe Biden sheegay in ay tahay in dagaalka Yemen uu si dhakhso ah u dhammaado.

Kadib jaritaanka taageerada Maraykanka, xulafada Sucuudigu waxay waayi doontaa hubkii ay ka heli jirtay Maraykanka, taageeradii ciidamada iyo hagitaankii sirdoonka.

Dagaalka Yemen ayaa soo bilabmay sanadkii 2014, markaas oo Xuutiyiintu ay inqilaabeen dawlad taag darnayd oo markaa Yemen ka jirtay. Sucuudiga iyo 8 waddan oo carbeed ayaa sanadkii xigay dagaal ku qaaday Xuutiyiinta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga