Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa Saacadaha soo socda in uu khudbad u jeediyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida ay sheegayaan warar Saab TV goor dhawayd kasoo gaadhay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegay in Madaxwayne Farmaajo uu baarlamaanka uga warbixin doono, waxyaabihii kasoo baxay shirkii Magaalada Dhuusamreeb.

Shirkaasi ayay ku kala kaceen madaxda dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland, iyadoo arrinta ugu cuslaydna ay ahayd arrinta gobolka Gedo.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xal laga gaadhay meelaha qaar, sida guddida doorashada Soomaaliya, balse aan xal buuxa la gaadhin.

Muddo xileedka madaxwayne Farmaajo, ayaa ku eg, 8-dda bishan February.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga