Hoggaamiye kooxeed hore oo reer Ugaandha ah Dominic Ongwen, ayaa lagu helay dembiyo dagaal sida ay sheegtay maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC.

Dominic Ongwen, ayaa ahaa taliye ma naxe ah, kasii oo katirsanaa jabaddii ka dagaallami jirtay waqooyiga dalka Ugaandha ee LRA, waa qofkii ugu horreeyay ee ka tirsanaa jabhaddaasi ee kasoo muuqda maxkamadda dembiyada dagaalka adduunka.

In kabadan 70 dembi oo la xidhiidha arrimaha bini-aadaminimada iyo dembiyo dagaal, ayaa lagu soo oogay Dominic Ongwen, dembiyo dagaal ayaa lagu helay, inkasta oo lagu waayay qaar kamid ah 70-ka dembi ee lagu soo oogay.

Dhammaan eedaymaha lagu soo oogay ayaa la xidhiidha, xero hoy u ahayd dadkii ku barakacay gudaha dalka Uganda sannadkii 2004-tii.

Bilowgii kiiska maxkamadda, ayaa u muuqday mid jahwareer ah, maxaa yeelay ninkani ayaa u muuqday inuu yahay dhibanne iyo eedaysane, bilowgii wuxuu sheegay in jabhadda LRA ay afduubatay isagoo carruur ah, kahor intii aanu ku dhex dallicin jabhadda ee aanu noqon ku-xigeenkii Joseph Kony.

Xaakimkii maxkamadda ayaa ka dhego adayga sheegashooyinka hoggaamiye Dominic, isagoo xusay in lagu saleeyay caddaymo aanu shaki kujirin, waxaana lagu helay dembiyo kala ah, gabbood-fallo bini-aadaminimada ka dhan ah, jidh-dil, dhac, addoonsi-galo iyo dembiyo dagaal.

Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC, ayaa soo saartay waaran-qabasho ah oo lagu soo qabanayo ninkaas sannadkii 2005-tii, illaa sannadkii 2011-kii, ciidamada Maraykanka iyo kuwa Afrika ayaa baadigoobayay, balse sannadkii 2014-kii, ayuu isku dhiibay dalka Afrikada dhexe, xabsi dhan saddex sanno iyo nus ayaa usoo idlaaday bishii March. 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga