Turkiga ayaa Maraykanka ku eedeeyay in uu ka danbeeyay af-genbigii ka dhanka ahaa madaxweynaha Turkiga Erdogan ee sanadkii 2016 ka dhacay gudaha Turkiga.

Wasiirka arimaha gudaha ee Turkiga ayaa warbaahinta gudaha ee Turkiga u sheegay in Maraykanku uu dabada ka riixayay af-genbigaas dhicisoobay ee Erdogan lagaga tuurayay xilka.

Hore waxay xukuumadda Ankari af-genbiga dhicisoobay ugu eedaysay wadaadka ganacsadaha Turkiga ah ee Fethullah Gulen oo degen gudaha dalka Maraykanka, balse dawladda may eedayn.

Suleiman Soylu, wasiirka arimaha gudaha ee Turkigu wuxuu xusay in Maraykanku uu maamulayay qaabka uu u dhacayay af-genbigu halka ay gacanta ku hayeen kooxo uu hor kacayay wadaadka Turkia ah ee Gulen.

Xukuumadda Washigton ayaa ka jawaabtay eedaymaha wasiirka arimaha gudaha ee Turkiga. War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in eedaymaha Turkigu ay dhammaan been yihiin.

Eedaymaha Turkiga ayaa soo baxaya xili xukuumadaha Ankara iyo Washington oo wada ah xulafada NATO ay raadinayaan in xiisadda labada waddan la dejiyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga