Dalka Shiinaha ayaa marki ugu horaysay shaaciyay in madaxbanaani ay hesho Taywan ay ka dhigantahay dagaal cad.

Galaangalka Taywan ay ku raadinayso aqoonsi ay ka hesho dunida ayay xukuumada Beijing ku sheegtay mid aan dhici karin oo uga dhigan dagaal.

Waa hadalo kusoo beegmaya xili Shiinuhu uu diyaaradaha nukliyeerka xambaara soo galiyay hawada Taywan. Waxay sidoo kale kusoo beegmaysaa maalmo kadib markii dawladda Maraykanku ay shaacisay taageero laxaad leh oo ay siin doonto Taywan.

“Waxaanu si adag ugu sheegaynaa xoogaga raadinaya madaxbanaanida Taywan, kuwa ku ciyaaraya rasaasta in ay gubayaan nafahooda. Madaxbanaanida Taywan-nna waxay ka dhigantahay dagaal” ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda Dfiaaca ee Shiinaha, Wu Qian.

Dawladda Maraykanka oo ka hadashay hadalada Shiinaha ayaa ku tilmaantay nasiib darro. Waxay intaa ku dartay in xiisadda Taywan aanay ahayn in ay hor seedo isku dhac.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga