Dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta iyo saraakiil kale oo ka tirsan boqortooyada Sucuudiga ayay u yeedhay maxkamad fadhigeedu yahay dalka Maraykanka.

Saraakiishan ayaa lagu eedeeyay in ay wax ka ogaayeen weeraro lagu qaaday saxafiyiin ka tirsan warbaahinta alJazeera ee fadhigeedu yahay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Qareenada u dooyay saxafiyiinta ka tirsan alJazeera ayaa sheegtay in kiiskooda ay u gudbiyen maxkamado dhawr ah, iyadoo haatan ay maxkamaddu dalbanayso imaanshaha madaxda Imaaraadka iyo Sucuudga si ay iskaga difaacaan eedaymaha loo haysto.

Dadka kiiskan loo haysto waxa sidoo kale ku jira Maxamed bin Salman, dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga, iyo dad kale oo Maraykan lana sheegay in ay taageero siiyeen Imaaraadka iyo Sucuudiga.

Koox weriyeyaal ah oo ka tirsan alJazeera ayaa bishii aynu soo dhaafnay loo dhacay telefanadooda gacanta, taas oo ay cambaareeyeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo xoriyadda saxaafadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga