Dumarka muslimiinta ee ku jira ciidamada kala duwan ee dalka Koonfurta Afrika ayaa loo fasaxay in ay qariyaan madaxooda, inta ay ku jiraan shaqada ciidamada.

Waa go’aan taariikhi ah oo guul uga dhigan dhammaan haweenka muslimiinta ee Koonfur Afrika gaar ahaan kuwa ku jira ciidamada dalkaas.

Afhayeen u hadlay ciidamada difaaca ee Koonfur Afrika ayaa si rasmi ah go’aanka ciidamada u shaaciyay, sida uu u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Sanadkii 2018 ayay markii haweenay sarkaalad aoo ka tirsan milatariga dalka Koonfur Afrika lagu maxkamadeeyay wax lagu sheegay amar diidmo ay ku samaysay sarkaal ka sareeyay. Sarkaalada oo muslimad ahayd ayaa diiday in ay madxeeda qaawiso ama koofiyad kaliya xidhato xili uu amray sarkaal ka sareeyay.

Milatariga ayaa ogolaaday in haweenka muslimiintu ay dirayska ka hoosaysiin karaan madax-gashiga si aanu madaxoodu u muuqan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga