Dawladda Maraykanka ayaa Sucuudiga ku caadaadinaysa in ay xidhiidh la yeeshaan Israa’iil. Xukuumadda Washington waxau ugu baaqday Boqortooyada Sucuudiga in ay aqoonsato jiritaanka Israa’iil.

Xoghaya arimaha dibadda ee dalka Maraykanka Mike Pompeo oo arintan ka hadlay ayaa dhigiisa Sucuudiga u sheegay in ay hagaajiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin Israa’iilx ili laba dal oo gobolka Khaliijka ku yaalaa ay xidhiidh cusub la samaysteen Yuhuudda Israa’iil.

Dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn oo labaduba u dhaw Boqortooyada Sucuudiga marka la eego siyaasaddooda arimaha dibaddu, waxay Aqalka Cad ee Maraykanka ku saxeexeen heshiis naadir ah oo la galeen Israa’iil, iyagoo dhammaan xanibaadaha ka qaaday Israa’iil.

Falastiin waxay heshiisyadaas ku tilmaamtay dhabar-jab aanay filanahayn, iyadoo si adag ugasoo hor jeedsatay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga