Shiinaha ayaa la kulmaya cadaadiskii ugu waynaa kadib muslimiinta Uighurs WIIGUUR oo uu u gaystay tacadiyo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

39 dal ayaa u midoobay cambaaraynta Shiinaha ee ka dhan ah muslimiinta uu ciqaabay ee malaayiinka gaadhaya.

Jarmalka oo ay weheliyaan wadamada Maraykanka, Ingiriiska iyo Japan ayaa hor kacaya dedaalo xukuumadda Beijing lagu saarayo cadaadis xoogan si ay u joojiso tacadiyada ka dhan ah muslimiinta laga tirada badanyahay ee Shiinaha.

Wadamadani waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen xaaladda ammaan ee jasiiradda Hongkong, halakas oo Shiinuhu uu dhawaan sharciyo cusub dul dhigay imikana bilaabay ugaadhsi ka dhan cida kasoo hor ejeda maamulka Shiinaha, waa sida ay ku eedaynayaan wadamadani.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga